Taliyaha Asluubta iyo Wasaaradda Cadaaladda oo Daahfuray Tababar loo Qabtay Saraakiisha Garsoorka

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka, Mudane Saalax Xirey Kheyre, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray tababar loo qabanayo saraakiil iyo howl-wadeenno ka tirsan hay’adaha garsoorka iyo Asluubta Soomaaliyeed.

Tababarkan oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo tayada iyo hufnaanta adeegyada caddaaladda, ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadista fahamka xuquuqda aadanaha, gaar ahaan xuquuqda maxaabiista, iyadoo sidoo kale la xoojinayo xirfadaha iyo aqoonta saraakiisha Ciidanka Asluubta iyo shaqaalaha ka howlgala hay’adaha garsoorka dalka.

Mas’uuliyiinta daahfurtay tababarka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo shaqaale leh aqoon iyo xirfad ku filan oo ku saleysan ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo ku dhaqanka shuruucda dalka, si loo xaqiijiyo hannaan caddaaladeed oo hufan oo u adeega bulshada Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, iyo Agaasimaha Guud ee Arrimaha Dastuurka, Mudane Saalax Xirey Kheyre, ayaa ku boorriyay saraakiisha iyo howl-wadeennada ka qeyb galaya tababarka inay si buuxda uga faa’iideystaan fursaddan, iyagoo xusay in tababarro noocan oo kale ah ay door weyn ka ciyaaraan horumarinta awoodda iyo tayada guud ee bahda caddaaladda.

Waxay sidoo kale sheegeen in Wasaaradda Cadaaladda iyo Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ay sii wadi doonaan dadaallada lagu tayeynayo shaqaalaha iyo hay’adaha garsoorka, si loo helo nidaam caddaaladeed oo waafaqsan heerarka caalamiga ah iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.