Taliyaha Boliiska Koofur galbeed oo digniin udiray musharixiinta madaxweynaha maamulkaasi

Taliyaha Booliska gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed General Mahad C/raxmaan Aadan ayaa musharaxiinta tartameysa xilka Madaxweynaha uga digay in aysan iska sameyn ciidan u gaar ah, iyaga oo aan ku soo wargelin Taliska Booliska.

Wuxuu sheegay ciidamada Booliska Koonfur Galbeed inay wadaan sidii sugidda amniga loo xoojin lahaa, sidaasi darteedna looga baahan yahay musharaxiinta inay ka shaqeeyaan nabadda, islamarkaana aanan loo baahneyn in qof walba uu uruursado ciidan u abaabulan hab beeleed.

General Mahad ayaa sheegay inay diyaar yihiin inay ilaaliyaan musharaxiinta, islamarkaana siiyaan ciidan Boolis ah oo u gaar ah, wuxuuna tilmaamay marba hadii ay dhisan yihiin ciidan dowladeed inaan loo baahneyn ciidan beeleed, si isku dhac uusan u imaan.
“Qabiilka inaad ka fogaataan oo aad nabadda nagala shaqeysaan, hadii nin walba uu ciidan uruursado waa dhibaato nabadgeliyo daro ayaa dhalaneysa, annaga ayaa diyaar u ah inaan amnigiina sugno oo ciidan idin siino, balse waxaan idinka codsaneynaa inaadan bilaabin in ciidan beeleed aad uruursataan, magaalada gudaheeda amnigeeda waxaa sugaya Boolis”. Ayuu yiri General Mahad.

Sida uu qorshaha uu yahay magaalada Baydhabo 17-ka bisha November ee sanadknan waxaa ka dhaceysa doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo ay ku tartamayaan musharaxiin badan oo uu qeyb ka yahay hoggaamiyaha hada talada haya Shariif Xasan Sheekh Aadan.