Taliyaha Booliiska D/Guriceel oo ka halday Fal dil ah oo Xalay ka dhacay Degmada, Waddooyinka Xiran iyo Cayaal weerada.

Taliyaha Booliiska Degmada Guriceel Gaashaanle Cismaan Cali Hudeey oo lahadlay Warbaahinta Galgaduud waxa uu diirada ku saaray illaa Seddex Qodob oo kala ah:-

-Ugu horeyn Taliye Gaashaanle Cismaan ayaa Sheegay in Ciidamada Booliiska D/Guriceel ay gacanta ku soo dhigeen nin wade Mooto Bajaaj xalay ku dilay Allah ha u naxariisto Gabar lagu macagaabi jiray Beelo Max.ed Cilmi Duwane,islamarkaasne dhimatay, ka dibne waddihii Mootadana uu iskaga baxsay Goobta taasi uu carabaabay raadin iyo baaritaan dheer ka dib ay soo qabteen wiilkaasi eedeysanaha ahaa abaaro 2:30am ee habeenimo, haatane uu ku xiran yahay Saldhiga Booliiska Degmada, maxkamadne ay soo taagin doonaan.

– Taliye Hudeey ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay xirnaashiyaha qaar ka mid ah waddooyinka Guriceel kasoo gala dhanka Koonfurta, taasi uu ku tilmaamay in ay la xariirto sababao adkeynta Amniga maadaama Degmooyinka iyo Deegaanada Bariga iyo Koonfurta Galmudug ay kasocdaan Howlgalo ka dhan ah Alshabaab, ayna suuragal tahay in Kooxdu ay kasoo qaado Weeraro gaadma ah.

Taliya ayaa digniin u diray Darawalada Gaadiidleey in aysan isticmnaalin wadooyinka xiran  halkaasina ay joogaan Ciidamada, Taliyaha ayaa amray in Gaadiidleedu isticmaalaan Waddooyinka kale ee Furan, gaarigii lagu qabto ayuu sheegay in laga qaadi doono tilaabo sharci ah.

-ugu dambeeyn Taliyaha Booliiska oo sii hadlayey ayaa digniin udiray Carruurta tuuryeysa guryaha iyo Weerada sameeya habeenkii kuwaasi oo ku caweeya Magaalada, si macna la,aan ah, waxa uuna baaq adeg u diray Waalidiinta dhalay in ay ilmahooda Celiyaan wixi ka dambeeya Maqribkii.

Halkaan Hoose ka daawo.