Taliyaha Booliiska oo shir guddoomiyay kulan looga hadlay amniga dalka

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa shir guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Hoggaannada, Qeybaha iyo Fadhiyada Madaxa-bannaan ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, kaas oo looga hadlay xaaladda guud ee amniga dalka iyo howlaha muhiimka ah ee ciidamada.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda amni ee dalka, iyadoo saraakiisha kala duwan ay warbixinno ka bixiyeen howlgalladii ugu dambeeyay ee ay Ciidanka Booliiska qeybta ka ahaayeen, gaar ahaan howlgal lagu soo afjaray weerar ay Khawaarijta iyo maleeshiyaad isbahaystay kusoo qaadeen magaalada Baydhabo.

Saraakiisha ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay door muhiim ah ka qaateen ka hortagga weerarkaasi iyo xaqiijinta amniga magaalada Baydhabo, iyadoo ujeeddada kooxihii weerarka soo qaaday ay ahayd inay khalkhal geliyaan amniga iyo xasilloonida ka jirta maamulka Koonfur Galbeed.

Taliye Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kulanka ka sheegay muhiimadda ay leedahay in ciidamada Booliisku ay sii xoojiyaan howlahooda amni, isla markaana ay si dhow ula shaqeeyaan bulshada si looga hortago falalka wax u dhimaya nabadgelyada iyo kala dambeynta.

Taliyaha ayaa sidoo kale Hoggaanka Baarista Dambiyada (CID) iyo Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir faray inay dardargeliyaan dadaallada looga hortagayo falalka ka baxsan anshaxa suuban ee mararka qaar ay ku kacaan dhalinyarada, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara amniga iyo nabadgelyada bulshada.

Sarreeye Guuto Asad ayaa ku boorriyay saraakiisha iyo ciidamada inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, isla markaana ay xoojiyaan la shaqeynta shacabka, si looga hortago falalka amni-darrada iyo dambiyada ka dhaca caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Ugu dambeyn, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa bulshada ku bogaadiyay sida ay ula shaqeeyaan laamaha amniga, gaar ahaan sida ay ciidamada ula wadaagaan xogaha la xiriira falalka xun iyo dhaqdhaqaaqyada laga shakiyo, isagoo sheegay in iskaashiga shacabka iyo ciidamada ammaanku uu muhiim u yahay xaqiijinta amni waara.