Taliyaha Booliiska Somaaliya oo kulan la qaatay Wafdi kasocda Midowga Yurub ee loo soo gaabsho (EUCAP)

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Gaas, Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Hawlgallada tayeynta Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUCAP) oo uu hoggaaminaayay Madaxa cusub ee Howgalka KAUKO AALTOMAA oo la soo magacaabay Sanadkan 2023, horayna uga soo shaqeeyay Boliiska iyo Wasaaradda Arrimha Gudaha Dalka Filand.

Kulanka ayaa looga hadlay, Horumarinta, tayeynta iyo dib u habeynta guud ahaan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, iyadoo si gaar ah loo tixraacayo hirgelinta Qorshaha kala-guurka Soomaaliya.

Xoojinta xariirka u dhexeeya Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo daneeyayaasha Beesha Caalamka.