Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Dowladda Turkiga, kuwaas oo booqasho shaqo ku yimid dalka si loo sii xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga amni ee labada dowladood.
Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa wafdiga Turkiga kala hadlay arrimo muhiim ah oo la xiriira iskaashiga dhinaca amniga, tababarada ciidamada, iyo kor u qaadista awoodda howlgal ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada tababarka, qalabaynta, iyo casriyeynta ciidamada.
Wafdiga ka socday Turkey ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca amniga iyo tababarada ciidamada, si loo horumariyo xirfadaha iyo awoodda hay’adaha ammaanka ee dalka.
Intii uu kulanku socday ayaa si gaar ah loo dul istaagay muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo tababarada xirfadeed ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidamada gaarka ah ee Haramcad Police Unit, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata sugidda amniga, la dagaallanka dambiyada abaabulan, iyo ilaalinta xasiloonida caasimadda iyo guud ahaan dalka.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhinaca xog-wadaagga amniga, taageerada farsamo, iyo horumarinta qalabka casriga ah ee lagu taageerayo howlaha booliiska. Waxaa la isla qaatay in iskaashi joogto ah uu muhiim u yahay kor u qaadista awoodda ciidamada iyo sugidda amniga guud ee shacabka.
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isagoo xusay in iskaashigan uu door weyn ka qaato dhismaha ciidan booliis oo xirfad leh, casri ah, isla markaana awood u leh ilaalinta sharciga iyo kala dambeynta.
Ugu dambeyn, kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay is-afgarad ku saabsan in la sii xoojiyo xiriirka labada dhinac, lana dardargeliyo barnaamijyada tababarka iyo taageerada amni ee Turkigu uu siiyo Soomaaliya, si loo gaaro amni waara iyo horumar dhinaca booliiska ah oo dalka ka hanaqaada.