Taliyaha booliska oo amray in la dardar geliyo adkeynta ammaanka

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” ayaa ka qeyb galay shir ka Ka dhacay xarunta Gen Kaahiye, kaasi oo looga hadlay dardar gelinta Shaqada iyo adkeynta Nabad gelyada.

Shirka ayaa waxaa ku sugnaa Taliye ku-xiggeenka Booliska S/guuto Zakia Ahmed, Madaxda hoggaanada iyo Saraakiisha Ciidanka, waxaana halkaasi heeso kala duwan kusoo bandhigay Hobolada Kooxda Heegan.n

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” oo shirka ka hadlay ayaa Ciidanka Booliska ku ammaanay dadaalka ay ugu jiraan adkeynta Nabad geliyada, isaggoo xusay in Ciidanka Booliska uu hiigsanayo horumar ballaaran, islamarkaana qorshaha Taliska uu yahay in Shacabka Soomaaliyeed ay u jeexaan taariikh cusub oo waxtar leh.

S/Gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa faray Saraakiisha Ciidanka Booliska inay dardar geliyaan shaqada ay u hayaan Bulshadda Soomaaliyeed.