Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa magacaabay taliyeyaal cusub oo loo xil saaray hoggaaminta qeybaha kala duwan ee Booliska ee gobolka Bay. Sadiiq Doodishe ayaa loo magacaabay Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bay, halka Aadan Maxamed Axmed (Moora Gaabeey) loo magacaabay Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Baydhabo.
Taliska Booliska ayaa sheegay in magacaabistan ay timid kadib markii ay soo baxeen xaalado amni darro oo ka jira gobolka Bay, kuwaas oo u baahan in si degdeg ah wax looga qabto. Mas’uuliyiinta ayaa tilmaamay in taliyeyaasha cusub laga sugayo inay xoojiyaan sugidda ammaanka, la dagaallamaan falalka amni darro, isla markaana dib u soo celiyaan kalsoonida shacabka.
Magacaabistan ayaa sidoo kale kusoo aaday xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya maamulka Konfur Galbeed iyo Dowladda Dhexe, taas oo saameyn ku yeelatay xaaladda guud ee amniga iyo maamulka gobolka Bay. Khilaafkan ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in ay sii xumaato xaaladda, haddii aan la helin xal degdeg ah.
Si kastaba ha ahaatee, dowladda dhexe ayaa muujisay inay ka go’an tahay xasillinta gobolka iyo xoojinta hay’adaha amniga, iyadoo magacaabista taliyeyaashan cusub loo arko tallaabo muhiim ah oo lagu hagaajinayo xaaladda amni ee gobolka Bay iyo guud ahaan deegaannada Konfur Galbeed.