Taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo Qaabilay Wafdi Heer Sare ah oo ka Socday Dalka Turkiga.

Wafdigan oo uu hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Özel Hareket ee Turkiga, Mudane Ünsal Hayal, ayaa waxaa sidoo kale ka mid ahaa saraakiil sare iyo masuuliyiin kale oo ka socday Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya, kuwaas oo booqasho shaqo ku joogay dalka.

Kulanka dhex maray labada dhinac ayaa si qoto dheer looga wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi, wada-shaqeynta amni, is-dhaafsiga khibradaha, tababarrada ciidanka iyo taageerada farsamo ee u dhaxaysa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Ciidamada ammaanka Turkiga.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa wafdiga la wadaagay horumarka iyo dadaallada ay Booliska Soomaaliyeed ku bixinayaan sugidda amniga, la-dagaallanka argagixisada, iyo tayeynta awoodda ciidanka, isagoo tilmaamay in taageerada iyo khibradda Turkiga ay door weyn ka qaadaneyso dib-u-dhiska iyo casriyeynta hay’adaha ammaanka dalka.

Dhankooda, wafdiga Turkiga ayaa muujiyay sidii ay uga go’an tahay sii wadidda iyo adkeynta taageerada ay Turkigu siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarka ciidamada, iyo wada-shaqeynta joogtada ah ee labada dal.

Ugu dambeyntii, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa uga mahadceliyay wafdiga Turkiga booqashadooda, garab istaagga joogtada ah, iyo doorka muuqda ee ay ku leeyihiin horumarinta amniga Soomaaliya, isagoo adkeeyay in xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga uu sii xoogeysan doono.