Taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliya oo booqday Xabsiga ugu weyn dalka Qatar

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Ismiidaamin duhurnimadii maanta ka dhacday duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan Barta Kontorool ee degaanka Siinka-dheer, sida ay inoo sheegeen Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka.

Gaariga qarxay ayaa lagu joojiyay Bar koontarool oo ciidanka Aar oo Nabad Suggida ka tirsan ay ku leeyihiin degaanka Siinkadheer, waxaana socday baaritaan lagu sameynayay gaarigaasi la joojiyay.

Ruuxii waday gaariga ayaa qarxiyay gaariga, kadib markii uu dareemay inaysan suuragal u aheyn inuu la gudbo gaarigaasi oo uu doonayay inuu la soo galo Magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.

Khasaaraha qaraxan ka dhashay ayaa dadka degaanka waxa ay ku sheegeen in ay ku dhinteen laba qof oo mid ka mid ah uu ahaa shacab, halka Afar qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxan, waxayna tilmaameen in qaraxaasi ay ku dileen in ka badan 20 Askari oo ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya C/casiis (Xildhibaan) oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay Gaarigan inuu ku soo socday Muqdisho, nuuciisana uu ahaa PREMIO.

Wuxuu sheegay C/casiis (Xildhibaan) in Shabaab aysan qaraxaasi ku dilin 20 Askari, keliyana ay ku dhinteen laba qof oo mid ka mid ahna uu ahaa Askari , tiro kale oo rayid ahna ay ku dhaawacmeen.

Koontaroolka Siinka dheer oo gaadiidka Muqdisho soo galaya ay soo maraan ayaa si adag waxaa loogu baaraa gaadiidka, waxaana ciidanka NISA ay xoojiyeen feejignaanta dhanka baarista ah ee gaadiidka ay ku hayaan.