Taliyaha Ciidamada xooga oo faaf fgaahin kabixiyay howgalo ciidmada dowlada ay Kawadaan gobolka Shabeelada Hoose

Xaalada deegaannadii ay la wareegeen Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa saakay degen iyadoo howlgalada ka dhan ah Al-Shabaab ay halkoodii kasii socdaan.

Taliyaha Ciidammada Dhulka General Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa faah-faahin ka bixiyey howlgallada guullaha laga gaaray iyo sida ay u socdaan, isaga tilmaamay in deegaanada haatan ay la wareegeen ciidamada inay yihiin kuwii dhibaatooyinka ugu badan ee dhaca iyo Boobka ah ee Al-Shabaab ugu gaysan jireen Shacabka,waa sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Taliyaha ayaa tilmaamay inay Howlgaladaan sii socon doonaan, inta Al-Shabaab laga dul qaadayo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

General Odawaa Yuusuf Raage ayaa dhanka kalena sheegay inay jiraan Qaraxyo Al-shabaab ay ku diyaarinayeen Goobaha qaar ee lala wareegay, kuwaas oo ay burburiyeen ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo ka tirsan ciidanka Xoogga dalka.