Taliyaha Ciidamada Xooga Oo Sheegay in Imtixaan laga qaadayo Saraakiisha CXD

Taliska Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay in Imtixaan laga qaadi doono Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed si loo tijaabiyo Aqoontooda.

Taliyaha Ciidanka xoogga waxaa uu sheegay in Saraakiisha CXD laga qaadi doono Imtixaan guud.

S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa sheegay in la qaban doono imtixaan guud oo laga qaadayo Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Ujeedka imtixaanka ayaa ah in la ogaado heerka Aqooneed iyo qibradaha ay leeyihiin saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka.

Waxaa uu sheegay taliye indha qarshe  qaadista imtixaanka lagu kala saarayo saraakiisha leh Aqoonta iyo kuwa ay qibradooda ay yar tahay Saraakiisha imtixaanka ku dhacdo ayuu sheegay in loo furi doono koorso waxbarasho oo lag dhisayo heerka Aqoontooda

Taliska Ciidamada xoogga ayaa Bilihii lasoo dhaafay waday dib u habeyn lagu sameynaayay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.