Taliyaha ciidamada xoogga oo gaaray Kismaayo

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/wali Jaamac Warsame Gorod ayaa goordhow gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Ujeedka uu taliyaha u gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxay tahay sidii uu ugu kuur geli lahaa xaalada ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga dalka ee halkaasi ku sugan iyo waliba sahminta suurta galnimada qorshaha isku dhafka loogu sameynayo Ciidamada Xoogga dalka.

Taliyaha ayaa sidoo kale lagu waddaa in uu booqdo degaanada ku yaalla duleedka Magaalada Kismaayo oo maalmihii lasoo dhaafay ay ku dagaallamaayeen ciidamada xoogga iyo Al-Shabaab.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Taliska qeybta Jubbooyinka iyo Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland.