Taliyaha Ciidammada Asluubta Oo uu wehlinayay Safiirka Dowladda Turkiga oo Booqday xabsiga dhexe ee Muqdisho

Taliyaha ciidammada Asluubta Soomaaliyeed oo uu wehliyey Safiirka dowladda walaalaha ee Turkiga u qaabilsan Soomaaliya ayaa booqday Xabsiga dhexe ee Xamar oo ay ku jiraan Maxaabiis kala duwan, laba masuul ayaana booqday Warshadaha Farsamada Gacanta ee Xirfadda loogu abuuray Maxaabiista Soomaaliyeed ee halkaas ku xiran.

Meelaha sida gaar ah  loo soo indha-indheeyey waxaa ka mid Warshadaha soo saarta Qalabka Xafiisyada, Dharka iyo IWM.

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa u mahadceliyey Danjiraha dowladda Turkiga, sida ay mar walba kaalin mug leh uga qaataan taageerada Soomaaliya ee dhinac walba.

Safiirka Tukriga u fadhiya Soomaaliya Olgen Beker ayaa ammaanay sida hufnaanta leh ee loo dhiirogeliyo Maxaabiista, loona dhiso maskaxdooda, waxa uu sheegay in ay garab taagan yihiin dowladda Soomaaliyeed, arrimaha Xabsiyada iyo Caddaaladdana ay ka taageerayaan.