Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo Danjiraha Shiinaha oo Ka Wada Hadlay Horumarinta Xabsiyada iyo Tababarada

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Guud Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane H.E. Wang Yu, kaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan arrimaha la xiriira qalabaynta iyo tayeynta xabsiyada dalka, horumarinta nidaamyada isgaarsiinta ee Ciidanka Asluubta, iyo kor u qaadista tababarrada iyo xirfadaha saraakiisha ciidanka.

Labada masuul ayaa si qoto dheer uga wada hadlay baahida loo qabo in la casriyeeyo adeegyada xabsiyada, si loo xaqiijiyo maamul hufan, amni iyo ilaalinta xuquuqda maxaabiista, isla markaana loo xoojiyo awoodda hay’adaha asluubta ee dalka.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu soo qaaday arrimo la xiriira taageerada iyo daryeelka agoonta ku jirta xarunta degmada Afgooye, oo ay gacanta ku hayaan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. Waxaa la isla gartay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo taageerada bulshada nugul, gaar ahaan carruurta aan waalidkood haysan.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyay Dowladda Shiinaha taageerada iyo iskaashiga ay la leeyihiin Soomaaliya, isagoo xusay in ay door muhiim ah ka ciyaareyso horumarinta hay’adaha amniga iyo asluubta.

Dhankiisa, Danjire Wang Yu ayaa ballan qaaday in Dowladda Shiinaha ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabeyaasha, tababarrada ciidamada, iyo taageerada barnaamijyada bulshada.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku saabsan in la xoojiyo wada shaqeynta labada dhinac, lana dardargeliyo mashaariicda horumarineed ee lagu taageerayo Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo adeegyada bulshada ee ay ka shaqeeyaan.