Taliyaha Ciidanka Asluubta Oo Xilkii lawareegay

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa la wareegay xilka ka dib munaasabad Saaka ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Bashiir Maxamed Jaamac ayaa xilka ku wareejiyay taliyaha, waxaana uu kula dardaarmay in uu Mas’uuliyad iska saaro daryeelida  Ciidanka Asluubta iyo Maxaabiista ku xiran Xabsiyadda dalka ku yaalla.

Munaasabadda uu xilka kula Wareegay taliyaha ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiro, xildhibaano iyo Gudoomiyeyaasha Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda.

Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa horay u ahaa taliyaha Ciidanka Booliska maamulka Koonfur Galbeed.