Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Dhuusamareeb.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa maanta si rasmi ah u gaaray magaalada Dhuusamareeb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.
Taliyaha ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay Garoonka Ugaas Nuur, halkaas oo ay kusoo dhoweeyeen xildhibaanno, wasiirro, maamulka gobolka Galgaduud, maamulka caasimadda, bulshada deegaanka iyo cutubyo ka tirsan ciidamada Asluubta.

Cabdisalaan Caabi Aadan, Xoghayaha Dowladda Hoose ee Dhuusamareeb ahna ku-simaha Gudoomiyaha caasimadda, ayaa sheegay in maamulka degmada uu diyaar u yahay la shaqeynta ciidamada Asluubta, isla markaana ay diyaar la yihiin bixinta dhulal loogu talagalay dhismaha talisyada iyo xabsiyada ciidamada.

Wasiirka Amniga Galmudug, Aadan Warsame Cilmi, ayaa isna soo dhoweeyay booqashada taliyaha, wuxuuna sheegay in Galmudug ay si buuxda ugu garab taagan tahay hay’adaha ammaanka, gaar ahaan ciidamada Asluubta.

Taliyaha Ciidanka Asluubta, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa uga mahadceliyay dhammaan masuuliyiinta iyo shacabka sida diirran ee loogu soo dhaweeyay, isagoo xusay inuu booqan doono qaybo kala duwan oo ka tirsan deegaanada Galmudug inta uu socdaalkiisa ku jiro.