Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyed Iyo Saraakiil Kale Oo Kormeeray Dhismaha Xabsiga Cusub Iyo Maxkmaddaha

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac oo ay wehliyeen ku xiggeenadiisa, Guddomiyeyaasha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo Saraakiil kale ayaa maanta booqday halka uu marayo dhismaha Mashruuca weyn ee ka kooban Xabsi cusub iyo xarumo ay ku shaqeeyaan Garsoorka, kaasi oo ka dhismaya duleedka Magaaladda Muqdisho

Taliyaha, ayaa xog weystay Injineerada dhismaha Mashuurcaan fulineysa, waxaana uu kala hadlay siddii ay u dar dar gelin lahaayeen dhismaha Xabsiga cusub iyo Maxkmaddaha oo hadda heer gabo gabo ah maraya

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo Madaxda kale ee la socotay ayaa qeyb qeyb u tagay dhammaan dhismaha uu ku fadhiyo mashruucaan oo ay maal galinayaan Beesha Caalamka.