Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Jenaraal Mahad Cabdirahman Aadan, ayaa maanta si rasmi ah u soo gaaray caasimadda Dowlad-goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyey.
Safarka Taliyaha ayaa la xiriira kormeer shaqo iyo dardargelin uu ku sameynayo xarumaha iyo saldhigyada Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee ka howlgala deegaannada Galmudug, si loo qiimeeyo xaaladda amni, tayada shaqo iyo baahiyaha ka jira xabsiyada iyo cutubyada Asluubta ee gobolka.
Inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb, Jenaraal Mahad Cabdirahman Aadan ayaa la filayaa inuu kulammo la yeesho mas’uuliyiinta maamulka Galmudug, saraakiisha amniga iyo hoggaanka Ciidanka Asluubta ee gobolka, kuwaas oo diiradda lagu saari doono xoojinta nidaamka cadaaladda, ilaalinta xuquuqda maxaabiista, iyo sare u qaadidda anshaxa iyo hufnaanta shaqada Ciidanka Asluubta.
Taliyaha ayaa sidoo kale dardaaran u jeedin doona ciidammada Asluubta ee ka howlgala Galmudug, isagoo ku boorin doona inay sii xoojiyaan waajibaadkooda qaran ee ah ilaalinta xabsiyada, sugidda amniga maxaabiista iyo ka qeyb qaadashada dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo kala dambeynta dalka.
Safarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ay ku xaqiijinayaan kormeer toos ah, isla xisaabtan iyo horumarinta adeegyada amni iyo cadaaladeed ee dalka.