Taliyaha Ciidanka Badda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa magaalada Venice ee dalka Talyaaniga kaga qayb-galay Shirweynaha 15-aad ee Awoodda Ciidamada Badda ee dalalka caalamka.
Shirweynaha oo ay soo qaban-qaabiyeen Taliska Ciidanka Badda ee Dowladda Talyaaniga ayaa lagu qabtay xarunta Arsenal ee Ciidamada Badda Talyaaniga ee magaalada Venice, waxaana ka qayb-galay inta badan taliyayaasha ciidamada badda ee dalalka caalamka, oo ay ku jirto Soomaaliya.
Shirkan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga badaha caalamka, sahaminta iyo ilaalinta fiilooyinka mara badaha, horumarinta iyo adeegsiga qalabka casriga ah ee ciidamada badda, iskaashiga dalalka leh dhul-badeedka, is-weydaarsiga macluumaadka maraakiibta iyo dhaqdhaqaaqa gaadiidka badda, iyo sidoo kale ka qayb-galka tartamada istiraatiijiyadeed ee caalamiga ah.
Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, oo khudbad ka jeediyey shirka, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku taallo goob istiraatiiji ah oo muhiim u ah isku xirka ganacsiga iyo bulshooyinka caalamka.
Jeneraal Cabdiwahaab ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay xoojinayso xiriirka iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka leh marin-badeedka, isagoo carrabka ku adkeeyey dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku bixiso sugidda amniga dhul-badeedkeeda iyo ilaalinta xeebaha dalka.
Intii uu shirku socday, Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya ayaa sidoo kale si rasmi ah u saxiixay laba heshiis oo muhiim u ah Soomaaliya, kuwaas oo la xiriira ka mid noqoshada shabakadaha caalamiga ah ee iskaashiga iyo is-dhaafsiga xogta badaha.
Heshiisyada ayaa Soomaaliya ka dhigaya xubin rasmi ah oo ka tirsan V-RMTC (Virtual Regional Maritime Traffic Centre), oo ah Xarunta Maamulka Gaadiidka Badda ee Gobolka, iyo T-RMN (Trans-Regional Maritime Network), oo ah Shabakadda Isku-xirka Badda ee Caalamka.
Ka mid noqoshada labadaas shabakad ayaa Soomaaliya u horseedaysa fursado dheeraad ah oo la xiriira iskaashiga amniga badda, is-dhaafsiga xogta iyo la socodka dhaqdhaqaaqa maraakiibta iyo gaadiidka badda.
Sidoo kale, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar ayaa intii uu shirku socday kulamo doceedyo la yeeshay Taliyaha Ciidamada Badda Qatar, Maj. Gen. Abdullah Hassan Al-Sulaiti, iyo Taliyaha Ciidamada Badda Turkiga, Admiral Ercüment Tatlıoğlu.
Kulamada ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada ciidamada badda iyo amniga, gaar ahaan xiriirka saddex geesoodka ah ee Soomaaliya, Qatar iyo Turkiga.