Taliyaha Ciidanka Boliiska oo tababar u soo xiray saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Gobolka Banaadir

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa tababar ku saabsan shuruucda, nidaamka maamulka iyo waajibaadka shaqo u soo xiray saraakiil la dalacsiiyey iyo ciidamo ka tirsan Gobolka Banaadir.

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo lagu qabtay Akadeemiyadda General Kaahiye ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan hay’adaha amniga iyo maamulka Gobolka Banaadir, waxaana kamid ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Intii ay socotay munaasabadda, saraakiisha iyo ciidamada tababarka loo soo xiray ayaa soo bandhigay aqoonta iyo xirfadaha ay muddadii tababarku socday barteen, iyagoo muujiyey heerka ay ka gaareen fahamka shuruucda, nidaamka maamulka iyo habraacyada shaqo ee ciidamada Boliiska.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa saraakiisha iyo ciidamada kula dardaarmay inay si wanaagsan uga faa’iideystaan aqoonta iyo tababarka ay heleen, isla markaana ay ku dabaqaan shaqadooda maalinlaha ah.

Taliyaha ayaa xusay in kor u qaadista aqoonta iyo xirfadda ciidamada ay muhiim u tahay tayeynta howlaha amniga, ilaalinta sharciga iyo xoojinta adeegga ay Ciidanka Boliisku u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale munaasabadda lagu bixiyey abaalmarinno iyo shahaadooyin lagu dhiirrigelinayay saraakiisha iyo ciidamada ka qeyb qaatay tababarka, iyadoo lagu bogaadiyey dadaalkii ay muujiyeen muddadii ay ku jireen tababarka.

Mas’uuliyiintii ka qeyb gashay munaasabadda ayaa dhankooda ku boorriyey ciidamada inay ilaaliyaan anshaxa, shuruucda dalka iyo waajibaadka loo igmaday, isla markaana ay aqoonta ay heleen uga faa’iideeyaan bulshada.

Saraakiisha iyo ciidamada tababarka loo soo xiray ayaa ugu dambeyn loo sheegay inay si buuxda uga faa’iideystaan fursadda la siiyey, ayna dhaqan geliyaan aqoonta iyo xirfadaha ay kororsadeen, si ay ugaalin muuqata uga qaataan sugidda amniga iyo adeegga bulshada.