Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Kullan la qaatay Saraakiisha ,Saraakiil xigeenada iyo qeybaha kale ee Ciidanka Boliiska Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga guud, adkaynta wada shaqeynta u dhaxeysa Ciidanka Boliiska Federaalka iyo kan Dowlad-Goboleedka, dardargelinta howlaha sugidda nabadgelyada iyo la-dagaallanka falalka amni-darro.
Taliyaha ayaa ku bogaadiyay Ciidanka Boliiska ee Waqooyi Bari dadaallada ay ku bixinayaan sugidda amniga iyo ilaalinta sharciga, waxaana uu dhankiisa u balan qaaday in si dhow uga warhaynayo dedaalka ugu badana ku bixinayo sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta iyo Khibradooda.