Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo maanta kormeer iyo dardaaran u sameeyay Ciidamada Boliiska ee loo qoondeeyey sugidda Amniga Doorashada Golayaasha Deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi, ayaa maanta kormeer iyo dardaaran u sameeyay Ciidamada Boliiska ee loo qoondeeyey sugidda Amniga Doorashada Golayaasha Deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Taliyaha iyo Taliye ku xigeenka ayaa Ciidamada ukala diray fariisimaha loo qorsheeyay inay ka howlgalaan inta ay socoto Doorashada, si ay qeybtooda uga qaataan sugidda Amniga Muwaadiniinta codkooda dhiibanaya maalinta berri oo ku beegan 25-ka bisha.

Intii uu kormeerka socday, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa Saraakiisha iyo Ciidamada kula dardaarmay inay si hufan, xilkasnimo iyo wadaninimo leh u gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta Amniga Muwaadiniinta safafka ugu jira doorashada, isaga oo xusay in Amniga Doorashadu yahay masuuliyad qaran oo u baahan feejignaan buuxda.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa faray Ciidamada in si gaar ah caawimaad iyo mudnaan loo siiyo waayeelka, dadka naafada ah iyo hooyooyinka, si ay si nabad ah oo fudud ugu gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah ee codbixinta.

Ugu dambeyn, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta Ciidamada Amniga iyo Bulshada, si loo xaqiijiyo Doorasho nabad ah, hufan oo ka tarjumeysa rabitaanka Muwaadiniinta Gobolka Banaadi