Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa maanta sagootiyey cutubyo ka tirsan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, kuwaas oo dalka Jabuuti u aadaya si ay u soo qaataan tababar heerkiisu sarreeyo oo lagu barayo tabaha dagaalka casriga ah iyo howlgalada gaarka ah ee lagu fuliyo kooxaha Khawaariijta.
Tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu tayeynayo awoodda Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, si ay u yeeshaan xirfado sare oo ku saabsan la-dagaallanka argagixisada, sugidda amniga guud ee dalka, iyo fulinta howlgalada gaarka ah ee ka dhanka ah cadowga nabadda diidan.
Taliyaha ayaa ciidanka kula dardaarmay in ay si wanaagsan uga faa’iideystaan aqoon-kororsiga la siinayo, isla markaana ay muujiyaan anshax, karti iyo dadaal inta ay ku guda jiraan tababarka. Waxa uu xusay in tababarkan uu muhiim u yahay kor u qaadista xirfadaha ciidan ee la jaanqaadaya baahiyaha amniga casriga ah.
Sidoo kale, Taliyuhu waxa uu la wadaagay in abaalmarinno gaar ah la siin doono xubnaha sida ugu wanaagsan uga faa’iideysta tababarka, si loo dhiirrigeliyo ciidamada una noqoto tusaale ku dayasho mudan.
Ugu dambeyn, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa adkeeyey sida ay uga go’an tahay hoggaanka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed horumarinta iyo tayeynta ciidamada, si ay si buuxda uga qeyb qaataan xaqiijinta amniga, nabadda iyo xasilloonida dalka.