Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullahi, ayaa dhawaan shir guddoomiyay Shirka Taliyaasha, Hoggaanada, Qeybaha, iyo Fadhiyada Madaxa Banaan, kaas oo ka dhacay xarunta Taliska Daraawiishta Boliiska. Shirka ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo la xiriira hannaanka hawlgalka ciidanka, amniga guud ee dalka, iyo wadajirka hay’adaha Boliiska.
Intii uu shirka socday, Taliyaha ayaa dhageystay warbixino faahfaahsan oo ka soo baxay saraakiisha sare ee Ciidanka Boliiska, isagoo si qoto dheer uga falceliyay hawlaha amni ee hadda socda iyo caqabadaha ka jira caasimadda iyo guud ahaan dalka. Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullahi ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda sii xoojinta sugidda amniga, gaar ahaan amniga caasimadda, si loo hubiyo in shacabka ay helaan jawi nabdoon oo ku habboon nolol maalmeedka.
Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in saraakiishu ay leeyihiin waajib qaran oo ku saabsan ilaalinta madax-bannaanida dalka, xoojinta wadajirka Ciidanka, iyo ilaalinta nidaamka guud ee hay’adda Boliiska. Wuxuu ku booriyay saraakiisha in ay ka go’an tahay ilaalinta qiyamka ciidamada, daacadnimada iyo hufnaanta shaqo, si ay ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed si hufan oo waafaqsan sharciga iyo anshaxa ciidanka.
Shirkan ayaa sidoo kale fursad u ahaa saraakiisha in ay is dhaafsadaan aragtiyo iyo qorshayaal ku saabsan horumarinta adeegyada Boliiska, tababarka ciidamada, iyo ka hortagga dambiyada, iyagoo ka wada shaqeynaya sidii loo heli lahaa nidaam amni oo hufan, wax ku ool ah, isla markaana lagu kalsoonaan karo.
Ugu dambeyntii, Taliyaha Ciidanka Boliiska Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullahi ayaa ku adkeeyay in dadaalka joogtada ah ee sugidda amniga iyo ilaalinta midnimada dalka uu yahay mas’uuliyad qaran oo ka sarreysa danaha shaqsiyeed, loona baahan yahay in la wada gaarsiiyo heer kasta oo Ciidanka Boliiska ah.