Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Oo tababr u soo xiray Cutubyo katirsan Ciidamada Boliiska

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed,Sarreeye Gaas, Bashiir Cabdi Maxamed, oo safar shaqo ku jooga Dalka Jabuuti ayaa tababar ugu soo xiray halkaasi Cutubyo ka tirsan Boliiska Soomaaliyeed.

Tababarkan oo soconayay muddo Saddex Bil ah, ayay Ciidanku ku qaadanayeen Dugsiga tababarka Booliska Dalka Jabuti ee Idiris Faarax Habane,iyagoo baranayay casharro ay ka mid ahaayeen, sugidda amniga, baarista fal dembiyeedyada iyo ka hortagga rabshadaha.

Xafladdii lagu soo xirayay tababarka ayaa waxaa ka qayb galay, Wasiirka arrimaha gudaha ee Dalka Jabuuti ,Wasiiru Dowladaha wasaaradda ganacsiga Soomaaliya, Taliyaha Ciidamada difaaca ee Dalka Jabuuti Gen, Sakariye Sheekh Ibraahim, Taliyaha Ciidanka Booliska Dalka Jabuuti , Col,Cabdillahi Cabdi Faarax, iyo Mas’uuliyiin kale.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliya, S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed ,ayaa ammaan ballaaran u jeediyay Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti Col, Cabdillaahi Cabdi Farax , Taliyaha Ciidamada Difaaca Jabuuti iyo madaxda Dalkaasi. Isagoo ugu mahad celiyay doorka Walaaltinimada leh ee ay ka qaateen soo celinta tayada Ciidanka Soomaaliyeed iyo soo kabashada Qarannimada.

Wuxuu sidoo kale amaan u jeediyey Taliyuhu , Ciidamada Booliska Somaliyeed ee tababarka ku qaatay Jabuuti, isagoo kula dardaarmay inay si xilkasnimo leh u gutaan waajibaadkooda Qaran ee ka saaran Dalkooda iyo Dadkooda.

Dowladda Jabuuti ee aan Walaalaha nahay ayaa door lama illaawaan ah kaga jirta tababarrada iyo dib usoo kabashada Ciidamada Soomaaliya, iyadoo sidoo kale kaalin fir-fircoon ka qaadata xoojinta Qaranka Soomaaliyeed iyo dhismaha hay’adahiisa Dowliga ah.