Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Guddiga u xilsaaran saxidda imtixaanka Layli Sarkaalnimo ee dhawaan laga qaaday arday jaamiciyiin ah. Guddigan waxaa hoggaaminaya Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Dr. Maxamed Maxamuud.
Intii uu socday kulanka, Guddiga ayaa Taliyaha uga warbixiyay halka ay marayaan howlaha saxidda imtixaanka, iyagoo si hordhac ah u muujiyay in ay qaateen talooyinka Taliyaha ee ku saabsan in habka saxidda uu noqdo mid daahfuran, caddaalad ah oo lagu kalsoonaan karo.
Sidoo kale, Taliye Asad ayaa Guddiga la wadaagay aragti iyo qorshe hor leh oo ku aaddan in Akadamiyadda Ciidanka Booliiska loo beddelo jaamacad waxbarasho oo rasmi ah, taas oo qayb ka ah dib-u-habeynta ballaaran ee dhowaan lagu sameeyay dhinaca waxbarashada gudaha Akadamiyadda. Qorshahani waxa uu ujeedkiisu yahay in kor loo qaado tayada aqooneed ee saraakiisha iyo guud ahaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa ku dhammaaday is-afgarad iyo is-faham guud oo la xiriira dar-dargelinta hawsha saxidda imtixaanka iyo horumarinta nidaamka waxbarasho ee Ciidanka Booliiska.