Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sulub Axmad Firin oo ka hadlay xuska 80 sano guurada kasoo wareegtay aasaaska ciidanka Booliiska ayaa hambalyo u diray Shacabka, ehelka askarta, saraakiisha & guud ahaan ciidamada Booliiska.
Janaraal Sulub Axmed Firin ayaa sheegay in ciidanka Booliisku uu shaqaynayo muddo 80 sano taasina ay muujinaysa sida uu ugu dhabar-adeegay isla markaana u gutay waajibaadka saaran waxaana uu kula dardaarmay in ciidamadu ay sii wadaan howlaha Bulshadu u hayaan.
 Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed.
Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada iyo hoggaanka Ciidamada qaybahooda kala duwan ayaa hambalyo la xiriirta maalintii la aasaasay Booliiska Soomaaliyeed oo maanta oo kale ah u diray ciidamada, saraakiisha iyo xaasaskooda.