Taliyaha Ciidanka Booliska oo kulan la qaatay Masuuliyiin ka socda Dawladda Belgium

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” oo uu wehliyey Taliyaha hoggaanka baarista Dambi baarista ee C.I.D S/guuto Saciid Axmed Kadiye, ayaa maanta  kulan la qaatay Masuuliyiin ka socda Dawladda Belgium oo lagu kala magacaabo Micheal iyo Alfonso, kuwaasi oo magaaladda Muqdisho soo gaaray.

Kulankaasi, aya sidoo kale waxaa goob joog ahaa Madaxa Howlgalka EUCAP Ms Maria Cristina Stepanescu iyo Saraakiil kale, waxaana ay kawada hadleen Qodobo dhowr ah oo arrimaha Soomaaliya Quseeya.

Taliyaha Ciidanka Booliska, ayaa Masuuliyiinta ka socda Dalwadda Belgium waxay kawada hadleen Horumarinta Mashaariicda dib loogu dhisayo Ciidanka Booliska, dhismaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha iyo Qodobo kale.

Dalwadda Belgium, ayaa ballan qaaday in kaalin weyn ay ka qaadan doonto horumarinta, dhismaha iyo Qalabeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, si ay u noqdaan kuwa isku filan oo ku guuleysta in ammaanka dalka gacanta ay ku dhigaan.