Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland oo maanta soo xiray Shirka Taliyayaasha Ilaalinta Canshuuraha Puntland.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire, ayaa maanta soo xiray Shirka Taliyayaasha Ilaalinta Canshuuraha Puntland, oo muddo socday kana qabsoomay magaalada Garoowe.
Shirkan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga xarumaha canshuuraha, ilaalinta dakhliga dowladda, iyo isku-duwidda howlaha Taliyayaasha Ilaalinta Canshuuraha ee gobollada Puntland.
Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland ayaa kulanka ka jeediyey khudbad uu ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn dhow, daacadnimo, iyo mas’uuliyad buuxda oo lagu ilaaliyo hantida iyo dakhliga dadweynaha, isagoo faray Taliyayaasha in ay laba jibbaaraan dadaallada lagu sugayo amniga canshuuraha dalka.
Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa uga mahadceliyey dhammaan ka qeybgalayaasha shirka doorkii ay ka qaateen, isaga oo ku dhiirrigeliyey in go’aannadii shirka laga gaaray si dhab ah loo fuliyo.