Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyed iyo Dhiggiisa Dalka Jabuuti Oo kulmay

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo booqasho ku jooga dalka Jabuuti, ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Jabuuti G/sare Cabdullaahi Cabdi Faarax.

labada Taliye ayaa kawada hadlay qodobo ay kamid ahaayeen , Xoojinta xiriirka labada Talis ka dhaxeeyo, isdhaafsiga qibradaha dhanka ammaanka ku saabsan, kordhinta tababarada Jamhuuriyadda Jabuuti ay siiso Dawladda Soomaaliya, in la iska kaashado sugida nabad gelyada si wadajir ah iyo arrimo kale

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa kulankaan waxaa ku wehlinayey Taliyaha Hoggaanka baarista dambiyada ee C.I.D S/guuto Saciid Axmed Kediye, Taliyaha hoggaanka Canshuuraha Ciidanka Booliska S/guuto Cabdullaahi Xasan Bariise iyo Saraakiil kale.