Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Maamulka Galmudug, halkaas oo uu kaga qeybgalayo munaasabadda caleema-saarka Hoggaamiyaha cusub ee Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, iyo Hoggaamiye Ku-xigeenkiisa, Mudane Cabdiweli Ibraahim Aadan (Garyare).
Taliyaha ayaa magaalada Dhuusamareeb loogu soo dhaweeyey si uu uga qeybqaato munaasabadda caleema-saarka oo ay ka qeybgalayaan madax kala duwan oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada, saraakiil ciidan, siyaasiyiin, madax-dhaqameedyo iyo marti sharaf kale oo ka kala imaanaya gudaha dalka iyo dibaddiisa.
Munaasabadda caleema-saarka ayaa ah mid muhiim u ah maamulka Galmudug, iyadoo ay magaalada ka socdaan qabanqaabada iyo diyaar-garowga lagu soo dhoweynayo mas’uuliyiinta iyo martida ka qeybgalaysa munaasabadda, kuwaas oo isugu imaanaya Dhuusamareeb.
Inta uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale kulamo la yeelan doona saraakiisha Booliska Galmudug, kuwaas oo ay kaga wada hadli doonaan xaaladda amniga guud ee deegaannada maamulka, xoojinta wada-shaqeynta ciidamada Booliska iyo dardargelinta howlaha amni sugidda.
Kulamada ayaa sidoo kale lagu falanqeyn doonaa sidii loo horumarin lahaa tayada iyo awoodda ciidamada Booliska Galmudug, kor loogu qaadi lahaa hufnaanta shaqada, loona xoojin lahaa wada-shaqeynta ka dhexeysa taliska dhexe ee Booliska Soomaaliyeed iyo laamaha Booliska ee maamulka.
Booqashada Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa ku soo beegmaysa xilli magaalada Dhuusamareeb ay martigelinayso munaasabadda caleema-saarka hoggaanka cusub ee Galmudug, iyadoo imaanshaha mas’uuliyiinta dowladda iyo saraakiisha ciidamada ay qeyb ka tahay diyaar-garowga munaasabadda.
Munaasabadda ayaa la filayaa inay noqoto mid ay ka qeybqaataan mas’uuliyiin heer federaal iyo heer maamul, saraakiisha ciidamada kala duwan iyo qeybaha bulshada, kuwaas oo u imaanaya hambalyada iyo ka qeybgalka caleema-saarka hoggaanka cusub ee Galmudug.