Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xarunta Hogaanka Baarista Dambiyada (CID). Kormeerka Taliyaha ayaa diiradda lagu saaray goobaha muhiimka ah ee xarunta, kuwaas oo ay kamid yihiin Xarunta Caafimaadka ee loogu adeego maxaabiista iyo qaybta lagu hayo maxaabiista baarista dambiyada lagu sameeyo.
Inta lagu guda jiray kormeerkiisa, Taliyaha ayaa kulan gaar ah la yeeshay Hogaanka iyo howlwadeenada CID-da, isagoo kula dardaarmay in ay si cadaalad iyo hufnaan leh u maareeyaan dhammaan kiisaska baarista ee gacantooda ku jira. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in laga fogaado wax walba oo sababi kara dib u dhac ku yimaada adeegyada muhiimka ah ee ay bulshada u qabtaan.
Taliyaha Booliska ayaa sidoo kale ku boorriyay saraakiisha iyo shaqaalaha CID-da in ay xoojiyaan shaqadooda si loo gaaro natiijooyin dhab ah oo taageera cadaaladda iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.