Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliya oo Qaabilay Wafdi Sare oo ka Socda Ciidanka Cirka Pakistan

Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, S/Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, ayaa xarunta Taliska Ciidanka Cirka ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Ciidanka Cirka Pakistan, oo uu hoggaaminayay Taliyaha Difaaca Cirka, ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Pakistan, Air Marshal Muhammad Sarfraz.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo xiriirka dhinaca difaaca iyo amniga, gaar ahaan arrimaha la xiriira horumarinta awoodda Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, tababarrada ciidamada iyo is-dhaafsiga khibradaha milatari.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta iyo xiriirka u dhexeeya Ciidamada Cirka Soomaaliya iyo Pakistan, iyadoo la eegayo fursadaha lagu horumarin karo aqoonta, tababarka iyo tayada ciidanka.

Booqashada wafdiga Pakistan ayaa qeyb ka ah xiriirrada iskaashi ee sii xoogeysanaya ee Soomaaliya iyo Pakistan, gaar ahaan dhinacyada difaaca, amniga iyo horumarinta hay’adaha ciidamada.