Taliyaha Ciidanka daraawishta Dowlada Jubbaland ee Degmada Afmadow Col Mahad Islaam ayaa ku Qaabilay xerada taliska daraawiishta Jubbaland ee degmada Afmadow saraakiil ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.
Brig Seif Saalim Rashiid Taliyaha qaybta 2aad ee ATIMIS oo booqosho ku yimid Degmada Afmadow ayaa kormeer ku tagay fariisimaha ciidanka daraawishta Jubbaland ee degmada Afmadow.
Ujeedka saraakiishan ayaa ahaa xoojinta iyo sare u qaadida iskaashiga Ciidan ee Jubbaland iyo ATMIS, waxaana dhinacyada Isla gorfeeyeen sidii ay uga wadashaqayn lahaayen wadaagista xogaha sirdoon iyo sahan ee Cadowga Khawaarijta ee gabalkoodu dhacay.
Brig Seif Salim Rashid ayaa ku ammaanay shaqada adag ay bulshada u hayaan saraakiisha ciidamada daraawiishta Dowlada Jubbaland ee dagmada Afmadow ee har iyo habeenba u taagan ilaalin badqabka Bulshadda Jubbaland.
Waxaa uuna Tilmaamay iney sare u qaadi doonan wada shaqaynta ka dhexeysa labada dhinac iyo ladagaalanka Khawaarijta.