Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullahi Cumar, ayaa booqasho rasmi ah ku gaaray degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ciidamada Qaranku ay casharro lama illaawaan ah ugu dhigeen kooxaha argagixisada ah ee deegaankaasi ka howlgalayay.
Taliyaha oo ay socdaalkiisa qeyb ka ahaayeen saraakiil ciidan, ayaa u jeedadiisu ahayd dhiirrigelinta geesiyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) iyo kuwa deegaanka ee ku sugan jiidda hore ee dagaalka.
Booqashadan ayaa timid xilli ay guulo isdaba joog ah ka gaareen dagaalka ka dhanka ah argagixisada, waxaana taliyaha uu bogaadiyay howlgallada geesinimada leh ee lagu sugayo amniga dalka.