Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo ay wehliyaan saraakiisha sar-sare ee Qeybta 27-aad iyo Qeybta 21-aad, ayaa degmada Matabaan kula dardaarmay cutubyo ka tirsan Ciidanka XDS, kuwaas oo loo diyaariyey ka qaybgalka hawlgallo culus oo ka dhan ah Khawaarijta.
Kulanka dardaaranka ah ayaa diiradda lagu saaray adkeynta waajibaadka qaran ee saaran ciidamada, ilaalinta midnimada dalka, iyo ciribtirka cadowga Khawaarijta ah ee dhibaatooyinka ku haya shacabka Soomaaliyeed. Saraakiisha ayaa ciidamada ku boorriyay in ay muujiyaan feejignaan, wadajir iyo anshax ciidan, iyagoo xusay in guulaha la gaaray ay ku yimaadeen naf-hurnimo iyo isku duubni.
Cutubyadan oo uu u soo dhammaaday tababar heer sare ah oo muddo dheer socday, ayaa lagu qalabeeyay xirfado ciidan oo casri ah, aqoon dagaal, iyo xeelado la xiriira la-dagaallanka argagixisada. Intii lagu guda jiray munaasabadda, ciidamada ayaa soo bandhigay awood, karti iyo u diyaarsanaan buuxda oo ay u leeyihiin fulinta hawlgallada lagu sifeynayo Khawaarijta ee ka socda dhammaan gobollada dalka.
Saraakiisha ayaa sidoo kale xusay in hawlgallada socda ay yihiin kuwo qorsheysan, isla markaana lagu doonayo in lagu xaqiijiyo amniga guud, dibna loogu soo celiyo deegaanada laga xoreeyo gacanta Khawaarijta adeegyada aasaasiga ah iyo kala dambeynta dowladeed.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilihii u dambeeyay wadday guluf ballaaran oo ka dhan ah Khawaarijta, kaas oo lagu guuleystay in laga xoreeyo deegaano badan oo ku yaalla gobollo kala duwan, iyadoo la gaarsiiyay guulo waaweyn oo dhanka amniga ah. Hawlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo dowladnimo buuxda.