Taliyaha Ciidanka Dhulka General Biixi oo sheegay in ay dardar galin doonaan Dagaalka ka dhan ah AS ee kasocoda guud ahaan Soomaaliya

Waxaa weli dhaq dhaqaaaqyo ciidan iyo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka socdaan degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Mudug, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay ciidamada xoogga dalka kuwa Daraawiishta Galmudug iyo dadka degaanka ay degaano la wareegayeen Kooxda al Al-shabaab.

Taliyaha ciidanka dhulka XDS General Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in Cidianka xoogga dalka ay dar dar gelin doonaan howlgalka ka dhan ah Al-Shabaab si guud ahaan dalka ay uga saaraan.

Taliyaha ayaa isaga oo Ciidamo farabadan kula hadlayay Magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa waxaa uu sheegay in taliska ciidanka xoogga dalka ay marwalba garab taagan yihiin Ciidamada si ay u sii wiiqaan awooda Al-Shabaab, asaga oo ku amaanay howlgaladii guuleystay oo kooxda looga qabsaday deegaano iyo Degmooyin in muuda ah maamulayeen.

Hadalkaan kasoo yeeray Taliyaha ciidanka dhulka XDS General Maxamed Tahliil Biixi ayaa kusoo aadaya xilli howlgalladii ugu dambeeyay oo ay fuliyeen Ciidamada ay kula wareegeen degaano dhowr ah oo ay gacata ku hayeen tobankii sano ee la soo dhaafay Al-Shabaab.