Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Dadka Deegaanka Furqaan ee hoos taga D/Aadan Yabaal ku wareejiyeen Ciidan iyo Saanad.

Dadka deegaanka Furqaan ee gobolka Shabeellada dhexe oo dhawaan laga xoreeyey As, ayaa maanta taliyaha ciidanka dhulka ku wareejiyay rag hubeysan si ay qeyb uga noqdaan dagaalka kooxda As, looga sifeynayo deegaanada ay wali ku harsan yihiin.

General Maxamed Tahliil Biixi ayaa uga mahad celiyay Reer Furqaan garab istaagga ay u muujiyeen ciidanka Qaranka.

Agaasimaha waaxda canshuuraha Biriga ee wasaaradda Maaliyadda Muxyadiin Xasan Jurus iyo saraakiil ciidan ayaa goob joog ahaa madasha wareejinta ciidanka iyo saanadooda

.dhanka kale Nuur Macalin Abuukar Calasow oo kamid ahaa Al-shabaab ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan Furqaan ee hoos tagta Degmada Aadan Yabaal.

Goobta lagu soo bandhigay waxaa ku sugnaa Taliyaha Ciidanka dhulka XDS General Maxamed Tahliil Biixi, taliyaha Guutada 17-aad ee Gorgor Dayax Cabdi Cabdulle iyo masuuliyiin kale.