Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Dhagax-dhigay Xarun Caafimaad oo Laga Hirgelinayo Dugsiga Xananbuure

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Gen. Khaalid), oo howlo shaqo u jooga deegaanno ka tirsan Dowlad-goboleedka Galmudug, ayaa dhagax-dhigay Xarun Caafimaad oo laga hirgelinayo Dugsiga Tababarka Xananbuure. Xaruntan ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo adeegyada caafimaad ee la siiyo ciidamada ku jira tababarka iyo kuwa ka howlgala xerada, iyadoo qeyb ka ah qorshaha lagu horumarinayo daryeelka ciidanka.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, maamulka dugsiga iyo masuuliyiin kale. Taliyaha ayaa sheegay in dhismaha xaruntan caafimaad uu wax weyn ka tari doono baahiyaha caafimaad ee ciidamada, isla markaana uu sare u qaadi doono tayada adeegyada ay helaan askarta ku sugan xerada.

Dhagax-dhigga kaddib, Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa kulan la yeeshay saraakiisha, macallimiinta iyo masuuliyiinta Dugsiga Tababarka Xananbuure. Intii uu kulanku socday ayaa si faahfaahsan looga dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee ciidamada, heerka uu marayo tababarkooda, noocyada casharrada ay qaataan iyo qorshayaasha lagu sii horumarinayo tayada tababarka.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay muhiimadda ay leedahay in ciidamada la siiyo tababar casri ah oo waafaqsan baahiyaha amniga dalka, si ay u yeeshaan xirfad, aqoon iyo karti ay ku gutaan waajibaadkooda qaran. Waxaa xoogga la saaray sidii loo sii tayeyn lahaa manhajka tababarka, kor loogu qaadi lahaa xirfadaha saraakiisha iyo askarta, isla markaana loo xoojin lahaa nidaamka tababarka joogtada ah.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa ku ammaanay saraakiisha iyo macallimiinta dadaalka ay ku bixinayaan tababarka ciidamada, isagoo ku boorriyey inay sii laba jibbaaraan shaqada ay u hayaan dalka iyo ciidamada. Wuxuu caddeeyey in dowladda iyo taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay horumarinta tayada tababarka, daryeelka ciidamada iyo hagaajinta adeegyada ay helaan.

Gabagabadii booqashada, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa saraakiisha iyo macallimiinta dugsiga ku wareejiyey siddeed neef oo geel ah, kuwaas oo loogu talagalay ciidamada ku jira tababarka, si loo xoojiyo daryeelkooda, nafaqadooda iyo dhiirrigelintooda. Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid muujinaysa sida talisku uga go’an tahay kor u qaadidda niyadda iyo fayo-qabka ciidamada.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Taliska Ciidanka Dhulka uu ku tayeynayo tababarka, daryeelka, adeegyada caafimaadka iyo diyaar-garowga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo dhiso ciidan qaran oo leh aqoon, karti iyo awood buuxda oo difaaca dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.