Taliyaha ciidanka dhulka oo gaaray Afgooye.

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle ayaa gaaray degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiil uu ka mid yahay Abaanduulaha qeybta 12-ka April G/Sare Warsame Maxamed Diiriye ayaa Taliye Dayax ku soo dhaweeyey Afgooye, ayada oo taliyaha uu soo kormeeray saldhigyada ciidamada xoogga ee degmadaasi.

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ciidanka faray inay u diyaar garoobaan howl-gallo culus oo kooxda Al-Shabaab looga sifeyn doono deegaanada ay uga dhuumaaleystaan Shabeellaha Hoose.

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli ay billowdeen dadaalo dhiig cusub loogu shubayo dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah, kaasi oo bilihii lasoo dhaafay uu gaabis ku yimid, taasi oo kooxda u noqotay fursad ay dib isugu soo abaabusho.

Al-Shabaab ayaa dib u qabsatay deegaano uu dhiig badan ku daatay oo horey ciidanka uga xoreeyeen maleeshiyaadka, balse ay markii dambe ka baxeen, ayna sidaas ugula wareegtay kooxda, halka ay kordhisay weerarada gaadmada ah ee lagu bartilmaameedsanayo xeryaha ciidanka.