Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar, oo ey wehliyaan Saraakiil Ka tirsan Xoogga Dalka ayaa kormeer shaqo iyo dhiirrigelin ugu tagay geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan qeybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose.
Kormeerkan Taliyaha waxaa ku wehlinayay Taliyaha Guutada 16-aad Kumaandooska Danab, Col. Cabdicasiis Xuseen Maxamed, kusimaha Taliyaha Taliska Taakuleynta CXDS col Axmed Cabdinaasir Axmed, iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka.
Ujeeddada kormeerkan ayaa ahaa xoojinta howlgalada lagu baacsanayo argagixisada, iyo u kuurgalidda xaaladda guud ee amniga deegaanada laga sifeeyay Khawaarijta .
Deegaanada Sabiid, Caanoole iyo Mubaarak ayaa ka mid ahaa goobaha uu maanta gaaray Taliyaha Ciidanka Dhulka.
Geesta kale Taliyaha ayaa kulamo la qaatay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saraakiisha Ciidamada UPDF ee qeybta ka ah Hawlgalka AUSSOM ee ka howlgala deegaanadaasi, isagoo ka dhageystay warbixinno la xiriira amniga iyo howlgalada socda.
Ugu dambeyn, Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa ciidamada ku ammaanay geesinimada iyo naf-hurnimada ay muujiyeen, wuxuuna ku booriyay inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda si loo xaqiijiyo amniga guud ee dalka.
Home Wararka Maanta Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeer iyo Dhiirrigelin u Tagay Ciidamada ku Sugan...