TALIYAHA CIIDANKA DHULKA OO KORMEER SHAQO KU TEGAY TALISKA GUUTADA 17-AAD EE CIIDANKA GOR-GOR.

Si sare loogu qaado la dareen noqoshada geesiyaasha xoogga dalka iyo dhiiri gelinta ciidanka sida naf hurnimada leh dagaalka ugula jira Khawaarijta ayuu taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Dayax Cabdi Cabdulle kormeeray Taliska guutada 17-aad ee kumaandooska gor gor .
Taliyaha ayaa la kulmay saraakiisha hoggaaminta isagoo xusay muhiimada gudashada waajibaadka dhameystirka iyo dhiig bixinta khawaarijta caadaysatay dhibaataynta Shacabka Soomaaliyeed.
Taliyaha ciidanka dhulka ayaa geesiyaasha xoogga dalka Soomaaliyeed ku amaanay sida qabka iyo kartida leh ee ay u gudanayaan waajibaadkooda Qaran.
Taliyaha ayaa kula dar daarmay geesiyaasha gor gor in ay laba laabaan howlgalka sifeynta Khawaarijta.