Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeeray Difaacyada Hore ee Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Gen. Khaalid”, oo howlo shaqo u jooga magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed, ayaa kormeer shaqo ku tagay difaacyada hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha iyo saraakiil la socotay ayaa u kuurgalay xaaladda guud ee amniga iyo tan nololeed ee magaalada, iyagoo sidoo kale qiimeeyay xaaladda ciidamada iyo goobaha ay ku sugan yihiin.

Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Sare Isxaaq Aadan “Isxaaq Berdaale”, ayaa Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo saraakiisha la socotay warbixin ka siiyay xaaladda amniga, howl-galladii iyo dagaalladii ugu dambeeyay ee ciidamada galeen, iyo guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha cadowga ah.

Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa ciidamada ugu hambalyeeyay guulaha ay gaareen, isagoo uga mahadceliyay sida joogtada ah ee ay uga feejigan yihiin dhaq-dhaqaaqyada kooxaha cadowga ah iyo sida ay uga go’an tahay difaaca shacabka ay dhaarta u mareen inay u adeegaan.

Dhanka kale, xaaladda guud ee amniga magaalada Baydhabo ayaa lagu sheegay mid deggan, iyadoo ciidamada ammaanka ay sii wadaan howlaha sugidda amniga iyo ilaalinta shacabka.