Taliyaha Ciidanka Dhulka oo La kulmay Ciidamada Xooga ee Gobolka Shabeelada dhexe..

Sii loo sii amba qaado dardar galinta Dagaalka adag Cadowga looga saarayo Deegaano dhaca Gobalka Shabellaha Dhexe ayaa Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS Ganeraal Sahal Cabdullahi Cumar waxa uu dhiiragalin ugu tagay Ciidamado ka tirsan Xaq u dirirka Deegaanka ee Nuur-Dugle
Sareeye Guuto Sahal Cabdullahi Cumar Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS ayaa bogaadiyay Geesiyada Xaq dirirka Deegaanka guulaha ey Cadowga ka gaareen iyo sida naf hurnimada leh ee mar waliba Kaga hortagaan dhagarahooda
Taliyaha ayaana Geesiyadan ku dhiira galiyay in mar waliba ey Dowlada la garab taagan tahay Saad iyo Saanad intaba lagana Warqabo mar xaladooda
Gobalka Shabellaha Dhexe xiligaan waxaa ka soconayo howlgalo culus Argagixisada jab lagu gaarsiiyay Geesiyada is garabsanaya ayaa ku guuleystay iney dilaan Maleeshiyaad iyo Horjoogayaal dhowr ah .