Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Ciidanka Daraawiishta ee Waqooyi-bari Soomaaliya, kuwaas oo uu hoggaaminayay Gaashaanle Sare Cabdirashiid Axmed Nuur (Fool-Dahab), Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ee Waqooyi-bari Soomaaliya.
Kulanka ayaa ahaa mid lagu gorfeeyay xaaladda guud ee amniga deegaannada Waqooyi-bari Soomaaliya iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta ka dhaxaysa Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Daraawiishta. Saraakiisha wafdiga ayaa Taliyaha Ciidanka Dhulka la wadaagay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda amni ee deegaannada ay ka howlgalaan, caqabadaha jira iyo guulaha laga gaaray dadaallada lagu xaqiijinayo nabadgelyada.
Intii uu kulanku socday, labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xoojinta qorshayaasha lagu sugayo amniga, dardargelinta hawlgallada lagu ciribtirayo kooxaha amniga lidka ku ah, iyo sare u qaadidda iskaashiga dhinacyada qorsheynta, isuduwidda iyo isdhaafsiga xogaha muhiimka u ah hawlgallada amniga.
Sidoo kale, waxaa la isku raacay in la sii laba jibbaaro dadaallada lagu xaqiijinayo amni waara iyo xasillooni, iyadoo mudnaanta la siinayo ilaalinta shacabka, sugidda waddooyinka muhiimka ah iyo adkeynta wada-shaqeynta ciidamada ka howlgala deegaannada Waqooyi-bari Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa bogaadiyay doorka Ciidanka Daraawiishta ee Waqooyi-bari Soomaaliya ay ka qaataan sugidda amniga, wuxuuna ku dhiirrigeliyay saraakiisha iyo ciidamada inay sii xoojiyaan dadaalladooda, si loo xaqiijiyo nabad waarta, xasillooni iyo horumar ay ku naaloodaan bulshada ku nool deegaannada Waqooyi-bari Soomaaliya.