Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta guddoomiyey kulan amni oo looga hadlay xoojinta nabadgelyada iyo dardargelinta howlgalada ka socda deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA).
Intii uu shirku socday, waxaa si qoto dheer looga hadlay adkeynta wada-shaqeynta u dhexeysa hay’adaha amniga, sare u qaadista isku-dubbaridka howlgalada, iyo xoojinta qorshayaasha lagu sugayo amniga guud ee deegaannada Koonfur Galbeed.
Saraakiisha kulanka ka qeyb gashay ayaa sidoo kale isla falanqeeyey sidii loo dardargelin lahaa howlgalada ka dhanka ah kooxaha hubeysan ee qalqal gelinaya amniga, iyadoo xoogga la saarayo in shacabka loo abuuro jawi amni oo deggan, laguna xaqiijiyo xasillooni waarta.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidamada Qalabka Sida iyo hay’adaha amniga ay ku xoojinayaan wada-shaqeynta, si loo dedejiyo howlgalada amniga, loona adkeeyo nabadda iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.