Taliyaha Ciidanka Dhulka Sahal Cabdullaahi Cumar oo Kulan Istiraatiiji ah la yeeshay AUSSOM iyo Saaxiibada Caalamka

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sahal Cabdullaahi Cumar, oo ay wehliyaan saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay saraakiil ka socotay AUSSOM, Mareykanka, Turkiga iyo Ingiriiska.

Kulankan oo ahaa mid istiraatiiji ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amni iyo howlgallada wadajirka ah, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay dardargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee khatarta ku haya amniga dalka. Sidoo kale, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay sidii loo kordhin lahaa taageerada saaxiibada caalamka, gaar ahaan dhinacyada tababarka ciidanka, qalabaynta, la-tashiga istiraatiijiga ah iyo wadaagga xogta sirdoonka.

Mas’uuliyiinta kulanka ka qeyb galay ayaa isku raacay muhiimadda ay leedahay mideynta dadaallada lagu xaqiijinayo xasillooni waarta, iyagoo carrabka ku adkeeyay in la sii laba jibaaro howlgallada socda si loo ciribtiro argagixisada loona sugo amniga guud ee dalka. Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo iskaashiga caalamiga ah ee taageeraya nabadda iyo horumarka Soomaaliya.