Taliyaha Ciidanka Dhulka Uganda Sarreeye Guud Kayanja Muhanga ayaa kulan gaar ah la qaatay Taliye ku xigeenka Ciidanka howlgalka Kumeel-gaarka ah ee Midowga Afrika loona soo gaabiyo ATMIS Sarreeye Gaas Marius Ngendabanka oo ay kawada hadleen arrimo la xiriira Amniga & hannaanka bixitaanka ciidankaan.
Kayanja ayaa bogaadiyay ciidamada Midowga Afrika oo uu sheegay in ay u dhabar-adeegeen xaaladaha adag oo ay ku wajahayn Soomaaliya iyo sida ay u caawinayaan Dowladda & Shacabka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.
Taliyaha ciidanka Dhulka Uganda Sarreeye Guud Kayanja Muhanga ayaa tilmaamay in hannaaka socda ee kala guurka ah laguna saarayo ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya jooga uu yahay mid u baahan wadatashi laga sameeyo si diiradda loo saaro arrimaha horyaalla.
Bisha ugu dambaysa sanadkaan 2024 ee Deseembar ayuu ku siman yahay muddo sharciyeedka ee howlgalka Kumeel-gaarka ah ATMIS, bartamaha sanadkaan waa Bisha Juun waxaa la dhimayaa qayb kale oo kamid ah ciidamadaan.
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Daraawiishta Dowlad-Goboleedyada & Dadka deegaanka ee macawiislayda loo yaqaan ayaa deegaanno badan ka qabsaday ‘AS’ iyada oo aanay la howlgaleen ciidamadaan Dalka jooga tan iyo 2007dii.