Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo saraakiil kale oo gaaray furimaha dagaalka ee Jameeco iyo Leego

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, oo uu wehliyo Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa gaaray furimaha hore ee dagaalka ee deegaannada Jameeco iyo Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiishan ayaa booqday goobihii ay dagaalladu ka dhaceen, halkaas oo ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay dagaallo kula galeen Kooxda AS, iyaga oo u kuurgalay xaaladda ciidamada iyo halka ay marayaan howlgallada milatari ee ka socda deegaannadaasi.

Taliyaha iyo saraakiisha la socotay ayaa kulamo la yeeshay taliyeyaasha ciidamada ku sugan furimaha dagaalka, iyaga oo ka dhageystay warbixinno ku saabsan dagaalladii ugu dambeeyay, guulaha laga gaaray howlgallada iyo xaaladda guud ee amniga deegaannada ay ciidamada ka wadaan howlgallada.

Mas’uuliyiinta ayaa bogaadiyay geesinimada, naf-hurnimada iyo dadaalka ay muujinayaan ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ku howlan sugidda amniga, ciribtirka Kooxda AS iyo xoreynta deegaannada ay howlgalladu ka socdaan.

Sidoo kale, waxay ciidamada ku dhiirrigeliyeen inay sii laba-jibaaraan dadaallada ay ugu jiraan difaaca dalka iyo badbaadinta shacabka Soomaaliyeed, iyaga oo caddeeyay inay garab taagan yihiin ciidamada ku jira safka hore ee dagaalka.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dhiirrigelinayo ciidamada ku sugan furimaha dagaalka, laguna qiimeynayo xaaladda howlgallada ka socda gobolka Shabeellaha Hoose.